GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweynaha Soomaaliya oo Cambaareeyay Weerarada Argagixiso ee ka dhacay Hirshabeele iyo Galmudug, Shacabkana ugu baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya,
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlau falkii ay Al-shabaab ku ay ku laayeen dad
rayidka ee ku sugnaa deegaanada Afar-irdood iyo Cadakibir ee kala kala tirsan
Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.
Madaxweynaha Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay tillaabo degdeg ah ka
qaadayaan Al-shabaab, si buu yiri “loogula xisaabtamo jarriimooyinka ay u
geysteen dadka biri-mageydada ah ee ay ku laayeen deegaanno ka tirsan gobolka
Hiiraan ee Dowlad-goboleedka Hiirshabeelle iyo guud ahaan dalka”.
“Dadka Soomaaliyeed waa og yihiin dhagarta iyo arxan-darrada argagixisadabannaysatay dhiiggooda iyo maalkooda, waxaana rajeynayaa in ay adkeystaan oo
aanay isdhiibin maalmahaan kooban ee ka haray dabar-goynta kooxdan
sharwadeyaasha ah ee naf la caariga ah, aniga oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed
ugu baaqaya inay taageero buuxda la garab istaagaan ciidamadeenna halyeeyada ah
ee dagaalka kula jira kooxdan fitnawadayaasha ah, dhabbaha kaliya ee looga
adkaan karana waa isku duubni iyo inaan u midowno dagaalka ka dhanka ah
argagixisada” ayuu yiri Xasan Shiikh.
Madaxweyne Xasan ayaa bogaadiyey dadaallada Ciidamada Xoogga ka wadaan
Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, si looga saaro deegaannada ay halkaasi kaga
sugan yihiin.
0 Comments:
Post a Comment