GURIGA »
Soomaaliya
» Ciidamada xooga dalka ayaa ka hortagay weerar argagaxiso oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku soo qaadeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya
Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta
ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ka fuliyeen duleedka magaalada
Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Howlgalka oo si gaar ah looga sameeyey waddada dheer ee xiriirisa
magaalooyinka Beledweyne iyo Matabaan ayaa waxaa lagu fashiliyey weeraro
qaraxyo ah oo ay damacsanayeen xoogaga Al-Shabaab, sida ay shaaciyeen
saraakiisha Xoogga dalka.
Ciidamada ayaa intii uu howlgalka socday ku guuleystay inay qarxiyaan
miinooyin dhowr ah oo ay Al-Shabaab ku aastay waddadaasi, si AY ula beegsadaan
ciidamada huwanta ah.
Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in miinooyinka ay
qarxiyeen iyaga oo aan geysan wax khasaare ah, ayna sii wadayaan howlgalka
haatan socda.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ujeedka kooxda Al-Shabaab uu ahaa
sidii ay u dhibaateyn lahaayeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannadaasi.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan
howlgaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Ciidanka Xoogga dalka ayaa weli baacsanaya haraadiga maleeshiyada
Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ee koonfurta iyo bartamaha dalka.
0 Comments:
Post a Comment