Monday, March 13, 2023

Wasiirka Difaaca oo la kulmay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

 

somaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/qaadir Maxamed Nuur “Jameeca” ayaa magaalada Shengshaw kula kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, isagoo kala hadlay sare u qaadista xiriirka labada dal.

Kulanka wasiirka iyo safiirka ayaa lagu soo qaaday ajandayaasha dowladda federaalka ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo sida loogu baahan yahay in cunaqabateynta hubka laga qaado, iyagoo si gaar ah u sheegay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal ee horumarinta nabadda iyo amniga.

Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii taageero loogu uruurin lahaa dadaalka ay ugu jirto qaadista cunaqabateynta hubka ee uu Golaha Ammaanka ku soo rogay dalka tan iyo sanadkii 1992-kii.

 

Share:

Related Posts:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog