GURIGA »
somalia
» Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Toddobaadka
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Midowga Yurub kala hadley in la
taageero qorshaha xasilinta goobaha laga saarey Khawaarijta, iyadoo Dowladda
Soomaaliya ay muhiimad siineyso on degaanadaasi degdeg loo gaarsiiyo adeegyada
aasaasiga ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay
dardar galinta mashaariicda ka socda dalka, laguna soo bandhigay warbixin la
xiriirta barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa adeeg waxbarasho ka hirgelineysa degaanka
Janay Abdalla ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxaa mashruucan uu qeyb ka yahay
barnaamijka xasilinta ee dagaannada laga xureeyay Khawaarijta.
Ciidanka Jubbaland iyo
kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen
Khawaarijta oo ku yaalla Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa qabsadey
degaanno kala duwan oo ku yaalla HirShabelle iyo Galmudug, halkaasina ku dilay
tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta.
Hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta
looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare.
Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo
saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle,
Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug.
Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay
Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii
dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba
ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan.
Soomaaliya ayaa toddoobadkan saanad ciidan oo muhiim u ah dagaalka lagula
jiro Khawaarijta Al Shabab ka guddoontay Dowladda Mareykanka.
Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo xoojinaya amniga caasimadda ayaa gacanta
ku soo dhigay saddex xubnood oo ka tirsan Al Shabab oo maleegayay falal amniga
ka dhan ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala
duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada
waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii
lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo.
Dowladda ayaa toddobaadkan xirtey ciidan lagu soo eedeeyay inay rasaas ku
fureen Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid iyo dad rayid ah oo marayey degaanka
Siinaay ee magaalada Muqdisho.
Golaha Ammaanka ee QM oo soo dhoweeyay horumarka laga sameeyay dagaalka DFS
ay kula jirto Khawaarijta, xiriirka wanaagsan iyo wadashaqeyn ee ka dhexeeya
Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, iyo weliba horumarka laga sameynayo
Deyn Cafinta.
Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa daah furtay tartanka
Hirgeli Hibadaada oo suugaanleyda ay ku soo bandhigi doonaan suugaanta ku
saabsan wadaniyadda, maslaxadda Ummadda Soomaaliya, tilmaamidda hagardaamada
khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa daah-furay imtixaanka
macallimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee XFS.
Wasaaradda Qorsheynta ee XFS ayaa daah furtay Shir weynaha Xalka Waara ee
heer Qaran
halku-dhigiisuna yahay Tayeynta iyo Isku-Dubaridka wax ka qabashada
barakaca, iyadoo loo marayo xal hormarineed.
Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilad Dowladda Federaalka Soomaaliya
ayaa soo saartay digniin la xariirta fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira oo
lagu arkay xeebaha Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowlad
Goboleedka HirShabelle. Dowladda ayaa baaritaan arintaas kui saabsan bilowday.
0 Comments:
Post a Comment