Monday, January 2, 2023

Xasan Sheekh oo soo badhigay halganka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sanadka 2023

 

Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabtii la hadlay shacabka Soomaaliyeed, ayaa ka warbixiyay gulufka socda ee ka dhan ah Al-Shabaab iyo hiigsiga sanadka cusub ee 2023-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halganka dib u xoreynta dalka iyo hiigsiga sanadka 2023 uu noqon doona sanadkii dalka xoroobi lahaa dowladdana ay u jihaysan laheyd adeeg iyo waxqabad.

“Waxkasta oo horumar iyo wanaag ah oo umaddi gaarto waxay ka dambeeyaan marka qofka amni haysto oo gurigiisa inta uu nabad ku seexdo uga soo toosi karo, waana sidaas sida aan muhiimada koowaad u siinay arrimaha amniga,” ayuu yiri madaxweynaha.

“Dadka Soomaaliyeed waxay maanta u istaageen inay iska qabtaan Khawaarijta, dagaalkaasina meel fiican ayuu maraya oo geba-gebadiisa ayaa dhow. Sanadkaan 2023-ka waxaa rajeynayaa sanadkii Soomaaliya ay u bixi laheyd barwaaqo iyo bash-bash.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay dadaal badan ugu jirto sidii ay amniga guud ee dalka ugala wareegi laheyd howl-galka Ex-AMISOM (ATMIS), kuwaasi oo sanado badan ku sugna dalkeena.

“Arrimaha amniga marka la yiraahdo waxaa hiigsaneyna in dowladda Soomaaliyeed iyo dadkeeda oo iswata ay xilka amniga dalka iyo dadka si buuxda ula wareegaan bisha December 2024-ka, walaalaheena AMISOM iyo caalamka na-kaalmeynayay u mahad-celin oo tusino in aan gaarnay heer aan ku hanan karno amnigeena.”

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday xaaladda amni ee dalka iyo howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee muddada bilaha ah socday, isagoo xusay in dowladdiisu ay hiigsaneyso in ay la wareegto mas’uuliyadda amniga Soomaaliya bisha December ee sanadka 2024-ka markaas oo howlgalka Midowga Afrika uu dalka ka baxayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dalkiisa uu sanadkan ku biiri doono suuqa ganacsiga ee wadamada Bariga Afrika, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya ay daneyneyso in ay qeyb ka noqoto suuqyada Mareykanka iyo Afrika ee canshuur dhaafka ah, si waafaqsan kobaca Afrika iyo Xeerka Fursadaha.


Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog