GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudba ka jeediyay shirka Uganda uga furmay ganacsatada Labada dal
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey
Madasha Iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyey
fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta
iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is-dhaafsiga ganacsiga iyo
badeecadaha.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray
Soomaaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga
dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah,
mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo
uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.
Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni,
ayaa ganacsatada labada dal waxa ay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi
lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada,
xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay,
warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.
Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda, Wasiirka
Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid ayaa
heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda
Mudane Mwebesa Francis, halka Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta
Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda Mudane Rwakakamba
Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo
ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo isweydaarsiga khibradaha.
Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada Labada dal in ay
xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha
Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis
joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahamiyo
dhinacyo kale oo Labada dal ay iska kaashan karaan.
Furitaanka Madashan waxaa ku weheliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Arrimaha
Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruse, Wasiirka
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka
Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid, Xildhibaanno ka
tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee
Madaxtooyada Qaranka Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Danjiraha dalkeenna u
fadhiya Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud.
0 Comments:
Post a Comment