GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweynaha Jamhuuriyadda HSN oo shahaado sharafyo guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska safaaradda soomaaliyeed ee Kampala
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray safaaradda
dalkiisa ee Kampala oo muddooyinkii u dambeeyay dib u dhis iyo dib u dayactir
lagu sameeyay.
Wasiiro, wakiilo ka socday Baarlamaanka Federaalka, iyo qeybaha kala duwan
ee bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ayaa ka qeyb
galay munaasabadda kooban, iyadoo ay wehliyaan marti sharaf kale.
Madaxweyne Maxmauud ayaa mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay ganacsatadii ka
qeyb qaadatay dib u dhiska iyo dayactirka xarunta safaaradda Jamhuuriyadda ee
Kampala, waxaana uu ku booriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.
Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shahaado sharafyo ku
guddoonsiiyay ganacsatadii ka qeyb qaadatay dib u dhiska xarunta safaaradda.
Madaxweynah soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku jira horumarka
Soomaaliya dhan walba leh, wuxuuna dadaalkiisa ku bixinayaa sidii uu taariikhda
Soomaaliya u waari lahaa, ilbaxnimada Soomaaliyana ugu baahin lahaa caalamka oo
dhan, isla markaana uu u horumarin lahaa una xalin lahaa dhibaatooyinka dalka
ka jira, loogana takhalusi lahaa. wax kasta oo dalka ka jirana waa tan
madaxweynaha hadda talada haya uu ku kacayo tan iyo markii uu xilka qabtay
0 Comments:
Post a Comment