Tuesday, May 24, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magacaabay dad tayo leh


Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilal kala duwan u magacaabaya


Xasan Sheekh Maxamuud


  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilal kala duwan u magacaabaya si uu u soo afjaro cadaalad darada ay shacabka ku jireen, isla markaana uu u bilaabo waa cusub oo barwaaqo iyo nasteexo u ah shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada badan soo gaartay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilalka hoggaamineed ee uu ilaa hadda soo qabtay u magacaabay dad aqoon u leh, si aysan shacabka u caburin oo ay Soomaaliya ugu maamulaan cadaalad iyo sinnaan dhex marta dhinacyada shacabka.

Magacaabida uu sameeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhigan dhaqan gelinta khudbadiisa uu kaga hadlay sida ay uga go’an tahay mideynta shacabka Soomaaliyeed wixii ka soo gaaray kala qeybsanaantii ay soo martay dowladii hore ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si badheedh ah u qaadaya talaabooyinka uu u magacaabayo xilalka uu hayo, si aysan u dhicin qaladaadkii uu sameeyay Madaxweynihii hore, ee uu magacaabayay dad aan u qalmin, dalkana ay ku burburiyeen. Waana sababta uu Xasan Sheekh Maxamuud isku dayayo inuu u magacaabo shaqsiyaad la dhacsan shacabka Soomaaliyeed.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog