GURIGA »
Soomaaliya
» Madaxweynaha Soomaaliya oo saxiixay dhaqangalka miisaaniyadda dowladda ee 2023
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay
dhaqangalka miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo todobaadkii tagay ay
ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay wasaaradda maaliyadda
iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta sida uu sheegay
miisaaniyad waafaqsan hiigsiga horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta
dalka.
Miisaaniyadda ayaa sanadkan ah $973,985,805. waxaana ka muuqda koror, marka loo
barbar dhigo sannadkii hore.
172 xildhibaan oo katirsan labada aqal ee barlamaanka, ayaa cod gacan taag ah
ku meel mariyay, mana jirin cid diiday.
Dowladda Soomaaliya ayaa miisaaniyadda sanadkan u kordhisay xarumaha danta guud
sida xarumaha caafimaadka dowladda, waxbarashada iyo amniga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyey mudaneyaasha labada Aqal ee
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “sida xilkasnimada leh” ee ay u guteen
waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la
kordhiyey.
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamed Nuur ayaa sheegay,
dhaqaalaha Soomaaliya inuu u socdo meel kore, isagoo xusay sannadka cusub ee
2023 inuu dalku ku tallaaabsanayo labo kaclayn dhaqaale.
0 Comments:
Post a Comment