GURIGA »
Soomaaliya
» RW Xamse oo Golaha Wasiirada Warbixin ka siiyay safarkiisii Aadan-yabaal
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo
maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga
warbixiyay safarkiisi degmada Aadan Yabaal oo shalay isaga iyo wafdigiisa uu si
diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.
Mudane Xamse ayaa ka warramay xaaladda nololeed ee degmada oo uu sheegay in
Al-Shabaab dhibaatooyin dhinac walba ah ay u geysteen shacabka ku noolaa
degmada, isla markaana maanta ay dib u heleen xorriyad buuxda. Wuxuu ku
ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee naftooda u
huray sidii looga xorreyn lahaa degmada.
Waxaa sidoo kale isna Golaha Wasiirrada warbixin siiyay Ra’iisul Wasaare Ku
Xigeenka, Salah Jama, oo ka warramay shirarkii uu kaga qaybgalay dalalka Niger,
Jabuuti iyo Angola, oo dhammaantood looga hadlayay arrimo la xiriira isbeddelka
cimillada, amniga iyo isu dheelitirka horumarka dhaqaalaha dalalka Afrika.
Shirka Toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa lagu soo bandhigay
laba hindise sharciyeed oo ay Golaha u soo bandhigeen Wasaarada Amniga Gudaha
iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta.
0 Comments:
Post a Comment