Wednesday, December 14, 2022

Messi oo macsalaameeyay Koobka Adduunka

 

Koobka Adduunka

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ku dhawaaqay inuusan fileynin in xirfadiisa caalamiga ah uu sii ahaan doono ilaa koobka adduunka 2026.


Messi ayaa si xoogan uga qeyb qaatay guushii 3-0 ay ka gaareen Croatia shalay maqribnimadii Talaadada, semi-finalka Koobka Adduunka 2022 ee Qatar, isagoo dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee rigoore, waxaana uu dhaliyay goolkii seddexaad saaxiibkiis Julian Alvarez. .

“Finalka lagu balansan yahay Axada soo socda Qatar waxa uu noqon doonaa kulanka ugu dambeeya ee aan ciyaari doono koobka adduunka”ayuu Messi u sheegay saxaafada kadib kulankii Croatia.

Messi waxa uu jiri doona soddon iyo sagaal jir marka la qabto Koobka Adduunka ee 2026 ee soo socda.

Messi ayaa sharaxay, “Aad ayaan ugu faraxsanahay waxa aan ku gaarnay Qatar, ilaa aan ka soo afjaro xirfadeyda Koobka Adduunka (oo soo bilowday ilaa 2006) oo aan gaarey finalka”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Wax walba oo aan kala kulmay koobkii adduunka ee ka dhacay Qatar waxa ay ahaayeen kuwo aad u xiiso badan, waxa ay dadku nagu dhibaateeyeen, iyo sida ay taageerayaasheena Argentina ugu raaxaystaan ​​waxa aanu bixino”.

Waxa uu intaa ku daray, "Xaqiiqdii, ciyaartan kama dambaysta ah (ee Morocco ama France) waxay noqon doontaa kulankeygii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka, gaar ahaan maadaama ay jiraan sannado badan (ilaa Koobka Adduunka soo socda) uma maleynayo inaan halkaas joogi doono ( 2026).

"Axada soo socota finalka waxa uu yeelan doonaa dabeecad ka duwan," ayuu raaciyay.

Xulka qaranka Argentine ayaa sugaya kooxdii guulaysata ee iska horimaadka u dhexeeya France iyo Morocco, kaas oo la qorsheeyay inuu caawa oo Arbaco ah ka dhaco garoonka Al-bayt.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog