Tuesday, December 13, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Washington si uu uga qeyb galo shirka Mareykanka iyo Afrika

 

Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareynkanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan la dagaallanka argagixisada, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay ciribtirka khawaarijta Al-shabaab, iyo dhinacyada kale ee dowladda Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

xasan oo booqashadii labaad ku tagay dalka Mareykanka muddo lix bilood gudahood ah, waxaana lagu wadaa in madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galo shirka Mareykanka iyo Afrika maalmo kadib markii uu ka qeyb galay shirkii Shiinaha iyo Carabta ee ka dhacay dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu ku dadaalaya sidii uu Soomaaliya u hormarin lahaa, isla markaana uu u hagaajin lahaa xiriirka ka dhaxeeya iyada iyo dhammaan dalalka kale

 

Share:

Related Posts:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog