GURIGA »
Adduunka
» Ra”iisul wasaare Xamse iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Dalka Maraykanka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane
Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada
New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada
Midoobay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee
Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista
saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka,
Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka
cimillada.
Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan
la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo
sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan
doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga
warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo
shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen ciribtirka Khawaarijta iyo horumarka
dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay.
0 Comments:
Post a Comment