GURIGA »
muqdisho
» Ra’iisul Wasaare Xamse oo daah furay Qadashada kaarka Aqoonsiga Dadwaynaha
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ku daah-furay munaasabad ballaaran, qaadashada
Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta
Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado
badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta
adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo
dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda DanQaran ay meel marisay
shuruucdii ilaalin lahayd xogta muwaadiniinta, hagina lahayd Hay’adaha ku
shuqul leh bixinta iyo keydinta Aqoonsiga Qaran.
“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga
Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan
xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka hadlayey munaasabadda daah-furka
barnaamijka diiwangelinta iyo Aqoonsiga dadweynaha, ayaa hoosta ka xariiqay in
hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka
hana-qaaday, isagoo u mahadceliyey Dowladda Pakistan oo gacan weyn ka geysatay
iyo hey’adaha Bangiga Adduunka iyo UNDP
0 Comments:
Post a Comment