GURIGA »
muqdisho
» Golaha Wasiirada oo meelmariyey heshiisyo iyo is-afgaradyo ay dowladda la gashay Sacuudiga iyo Koonfur Afrika
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya, oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre,
ayaa looga hadlay dagaalka cadowga Khawaarijta looga sifeynayo dalka, iyada oo
lagu meel mariyey heshiisyo iyo is-afgarad ay Dowladda Soomaaliya la gashay
dalalka Sacuudiga iyo Koonfur Afrika.
Kulanka golaha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga dalka,
canshuuraha, isku xirka warbaahinta ee arrimaha dagaalka ka dhanka ah
Khawaariijta iyo warbixin la xiriirta xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya
dowladaha walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed doorka muuqda
ee ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaariijta gaar ahaan haweenka iyo
dhallinyarada oo sameeyey abaabul xoog leh oo ay ku muujinayaan in hadda la
gaaray xilligii la iska tuuri lahaa heeryada Khawaariijta dhiig miiratada ah,
isagoo ugu baaqay ganacsatada inay qaataan doorkoodo codkoodana kor u qaadan.
0 Comments:
Post a Comment