GURIGA »
muqdisho
» Guddoomiyaha Sodma oo furay shirka ka jawaabista arrimaha bini’aaddannimada
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Mudane, Maxamuud
Macallim Cabdulle ayaa maanta furay shir looga hadlayo qorshaha ka jawaabista
baahiyaha bini’adamnimo ee sanadkaan 2024.
Shirkan waxaa ka soo qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha
guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini’aadamnimo ee
Soomaaliya George Conway, xubno ka socda wasaaradaha gargaarka dowlad
goboleedyada, hay’addaha samafalka, deeq-bixiyayaasha iyo madax ka tirsan QM.
Hay’addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qaabbilsan arrimaha
samafalka ayaa waxay dalbadeen lacag dhan $ 1.6 bilyan si loo caawiyo dad
gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay aad
u waxyeelleeyeen fatahaado ka dhashay roobabkii Elnino, kuwaas oo sababay
barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur
iyo Haween.
0 Comments:
Post a Comment