GURIGA »
Siyaasada
» Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Axad
ah kulan la qaatay wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Christina Svensson.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay taageerada dhanka farsamada
iyo dhaqaalaha ee Bankiga Adduunka uu siiyo dowladda Soomaaliya. Kulanka ayaa
sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha dib u habeynta maaliyadda iyo xoojinta
hannaanka maamulka maaliyadda dowladda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday mashaariicda horumarineed ee
Bankiga Adduunka uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii wada shaqeyn dhow ay u
yeelan lahaayeen Bankiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Maaliyadda ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in xarunta
Wasaaradda uu ku soo dhoweeyo wakiilka Bankiga Adduunka, isagoo xusay inuu kala
hadlay barnaamijka dib u habeynta maaliyadda, horumarinta dowlad wanaagga,
mashaariicda uu Bankiga ku taageero Soomaaliya, horumarinta iyo dib u habeynta
dhaqaalaha dalka.
0 Comments:
Post a Comment