GURIGA »
Adduunka
» Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan taageerada iyo dib-u-habeynta Maaliyadda
Hay’adda Lacagta Adduunku oo sheegtay in horumarka la taaban karo laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda
Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo Dowladda federalka Soomaaliya,
ayaa is afgarad ka gaaray barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka
Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaha oo dayn cafiska ka dib la hirgalin
doono.
Warbixin dheer oo kasoo baxday IMF, ayaa lagu ammaanay Dowladda Federaalka
Soomaaliya in ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay
gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee
muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama
dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta
ah bisha December 2023-ka.
Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay
gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha
Soomaaliya, kaas oosocon doona muddo 36 bilood ah, sida war- saxaafadeedka lagu
sheegay.
dowladda Soomaaliya iyo IMF oo is afgartey
IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub oo lagu magacaabo ECF, in
ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka
Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey'adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada
yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi
Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF, ayaa sheegay in
heshiiskaan uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta maaliyadda kadib
marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka dayn cafinta.
0 Comments:
Post a Comment