GURIGA »
somalia
» Shir Nairobi uga furmay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF
Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa maanta ka furmay shirka
hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya iyo
hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF.
Shirkan ka furmay magaalada Nairobi ayaa inta uu socdo waxaa looga
doodi doonaa sare u qaadidda dakhliga gudaha, maaraynta Maamulka Maaliyadda
Guud (PFM) iyo nidaamka Dowlad Wanaagga.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud
Nuur oo shirkaan si rasmi ah furay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in fulinta
sharuudaha lagu heshiiyay, kicinta dakhliga gudaha iyo xoojinta hannaanka
Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka (PFM).
Dowladda Soomaaliya ayaa dedaal badan ugu jirta sidii looga cafin lahaa
lacago badan oo deyn ah, waxa ayna dowladda buuxisay sharuudo badan ay horey
ugu xireen bangiga adduunka iyo hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
0 Comments:
Post a Comment