Monday, February 6, 2023

Wafdi ka socda Bangiga Adduunka oo booqasho ku yimid Soomaaliya

 

Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Adduunka qeybtiisa Bariga iyo Koonfurta AfrikaMarwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya, isagoo ku dhiirigaliyey Bankiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara, isla markaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bankiga Adduunka waxay balan-qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya dowladda Soomaliya iyo Bankiga Addunka. Si gaar ah qeybaha ay danaynayso dowladda federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka ayey galabta Madaxweynaha ka balan-qaadeen madaxdaan.

Qeybaha ay Soomaaliya aad u daneyneyso in laga garab siiyo waxaa ka mid ah, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bankiga, kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Dhinaca kale, xubnahaan ay Victoria Kwakwa oo markii ugu horeysay timid Soomaaliya waxaa sidoo kale qaabilay Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Kulan ay ku sheegeen xafiiskiisa waxaa looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog