GURIGA »
Soomaaliya
» R/W Xamza oo la kulmay maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Christina Svensson
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Abdi Barre ayaa
maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, oo
ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda
Federaalka.
Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sare u
qaadida wada shaqeynta u dhaxeysa Bankiga Adduunka iyo dowladda Soomaaliya,
waxa ayna dib u eegis ku sameeyeen howlaha samafalka iyo gargaarka loo fidinayo
dadka ay saameeyeen abaaraha.
Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca
horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo
gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku
siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan
hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u
leh xukuumadda.
0 Comments:
Post a Comment