GURIGA »
Soomaaliya
» Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay dileen 18 ka tirsan Al-Shabaab
Howlgallada ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka wadaan deegaanno ka
tirsan gobolka Hiiraan ayaa weli ka socda deegaanno dhowr ah oo ka tirsan
gobolka Hiiraan, iyadoo aan la kala joogsan, waxaana khasaare xooggan lagu
gaarsiiyay argagixisada.
Xalay fiidkii ayay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano
“Denab” waxa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka “Baq Akbili” ee
gobolka Hiiraan, iyagoo beegsaday saldhiga ugu weyn ee Al-Shabaab ay ku
lahaayeen deegaankaasi.
Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka General Oduwa Yuusuf Raage oo la hadlay
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee (Sunna) ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan
18-ruux ay ku dhinteen howlgalkaasi, kuwaasi oo ku sugnaa saldhiga ay ciidamada
gaarka ah la beegsadeen.
Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo
goobo kale oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka “Baq Aqbili” oo qiyaastii
90-KM dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Baldwin ee xarunta gobolka
Hiiraan.
Deegaankan ayaa ahaa istaraatiijiyad ay Al-Shabaab ka soo abaabuli jireen
weerarada iyo qaraxyada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan Hiiraan.
waxaan uga mahadcelineeynaa Madaxweynaha Soomaaliya HSN dadaalkiisa iyo
sida uu u dhaqan geliyay ballanqaadkiisii ahaa in sida ugu dhaqsiyaha badan
Soomaaliya looga sifeynayo argagixisada
0 Comments:
Post a Comment