Saturday, September 17, 2022

Guardiola: Umaan soo saxiixan Grealish si uu u dhaliyo oo uu u caawiyo!

 

Manchester City

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay doorka Jack Grealish uu la ciyaaray kooxda bilowgii xilli ciyaareedka 2022-23, inkastoo uusan weli wax gool ah dhalin.

Guardiola ayaa ku yiri bayaan uu soo saaray website-ka rasmiga ah ee Manchester City: "Ma aanan la soo saxiixan Grealish sababtoo ah waxa uu ka dhaliyaa goolal, caawiyena ka noqdaa Aston Villa, waxaa jiray sababo kale."


“Waa nin fiican, marka uusan ciyaarin waa kan ugu horreeya ee kooxda caawiya, waan ku faraxsanahay hab-dhaqankiisa iyo wax walba oo uu sameeyo, waxaana doonayaa inuu goolal dhaliyo oo uu caawimo bixiyo, isna sidaas oo kale ayuu sameeyaa”.

Waxa uu intaa ku daray, "Ma ahan kaliya in la dhaliyo iyo in la abuuro goolal, laakiin sidee ayuu u caawiyaa kooxda kubada la'aanta iyo haddii uu wax soo saar u yahay ciyaartoyda kale, waxaa jira waxyaabo badan oo Grealish uu sameyn karo."

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi”Waxa uu si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka ka dibna waxa uu ku qasbanaaday in uu ka baxo dhibaato anqawga ah awgeed,waxa aanu nasiib u yeelanay in aanu dhaawacu ka sii xumaan”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Kulankii ugu dambeeyay iyo saddexdii ugu dambeeyay ee garoonka Grealish waxa uu ahaa xiddiga kaliya ee si dar-dar leh u soo bandhigay xaalad hal-ka-hal ah, laakiin wakhtiga uu caawinta sameeyay saaxiibadii ma joogin xerada ganaaxa, anagu cidla ayuu kaga tagay”.

“Waan garanayaa isaga, aad ayaan ugu faraxsanahay waxa uu sameynayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeya
y.

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog