GURIGA »
Soomaaliya
» Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlgalo cusub oo ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen Al-Shabaab deegaanka Yasooman oo ku dhow degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan i
Ciidanka xoogga dalka ayaa degaan lagu magaaco Yasooman oo ka tirsan
gobolka Hiiraan waxay ku dileen ugu yaraan 45 xubnood oo ka tirsanaa kooxda
Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda
warfaafinta Soomaaliya.
“Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka xoogga Dalka iyo dadka
deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa
lagu dilay in ka badan 45 dhagarqabeyaal ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayaa
lagu yiri bayaanka ay soo saartay DF.
Sidoo kale qoraalka ayaa intaas ku sii daray in howlgalkaan uu weli socdo,
isla markaana ay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doonto markii uu soo
dhammaado.
“Dhanka kale ciidamada xoogga dalka ayaa toogtay sagaal dhagarqabeyaal ah
oo ka tirsanaa Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee
gobalka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah
isaga abaabulaan,” ayaa lagu warkaan ka soo baxay dowladda.
Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray
Saddex ka mid ah ciidamada dowladda howlgalka fuliyey, sida lagu xusay
war-saxaafadeedka.
“Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in
ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana laga saaray
maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi
jireen,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Awooda Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay laga soo wiiqay goobo badan
oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, sidoo kale meydadka
dagaalyahanada Al-Shabaab oo aad loo laayey ayaa lagu soo bandhigay
gobolladaas.
Kacdoonkii ugu cuslaa ayey wajaheysaa kooxda Al-Shabaab, kadib 15 sano oo
Soomaaliya ay dagaalo dad badan galaaftay ka wadeen, dowladda Soomaaliya ayaa
dhiira-gelin xoog leh la garab taagan beelaha Soomaaliyeed ee isku dhaarsaday
inay iska xoreeyaan Al-Shabaab.
0 Comments:
Post a Comment