Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la
qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyada aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane
Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay Soomaaliya.
Kulanka Xamza iyo Geelle ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka
labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay
doorka ay ka qaataan dowlad dhiska iyo amniga Soomaaliya, xilliyadii kala
duwanaa ee la soo maray, isaga oo xusay in Jabuuti ay tahay walaal iyo saaxiib
muhiim ah oo ay Soomaaliya leedahay.
Mudane Geelle ayaa dhankiisa waxq uu dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay
guulaha waaweyn ee ay ka soo hoysay muddada kooban.
Geelle ayaa si gaar ah u xusay guusha laga gaaray dagaalka ay dowladda iyo
shacabka kula jiraan Al-Shabaab, qaadista cuna-qabateynta hubka, ku biirista
suuqa ganacsiga Bariga Afrika iyo cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sanadkan dhamaadka ah daba-yaaqadiisa gaartay guullo
waaweyn oo wax ku ool ah, taasi oo ay ugu dambeysay deyn cafinta oo lagu
dhawaaqay 13-kii bishaan, taasi oo Soomaaliya ku dareysa liiska dalalka aan
lagu laheyn wax deyn ah.
0 Comments:
Post a Comment