Tuesday, October 31, 2023

Raysal Wasaare Xamse oo furay shir ku saabsan doorka culimadu ku leeyihiin ciribtirka xagjirnimada

 

Xamza oo maanta Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah

Xamza oo maanta Muqdisho ka furay shirweyne muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay shir looga hadlayo Doorka Culimadu ay ku leeyihiin taaba-gelinta nabadda iyo dib-u-heshisiinta.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay furitaanka shirweynahan ayaa xusay in culimada Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin baraarujinta bulshada iyo ciribtirka afkaarta qalafsan ee Khawaarijta.

Mudane Xamza ayaa carrabka ku adkeeyey sida ay muhiim u tahay in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay hormuud uga noqdaan difaaca dalka iyo dabargoynta fikradaha argagixisada.

Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha

Ayaa hoosta ka xariiqay in dhibaatooyinka kala duwan ee Soomaaliya dib u dhigay lagaga gudbi karo wadashaqeyn buuxda oo ay yeeshaan shacabka, culimada, indheer-garadka iyo dowladda.

Wuxuu si gaar ah ugu baaqay culimada in ay doorkooda ka qaataan dib-u-heshiisiinta, xasillinta, dowlad-dhiska iyo dhammeystirka dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in argagixisada laga wiiqay dhowr jiho oo ay kamid yihiin dhinacyada ciidanka, dhaqaalaha iyo fikirba, taas oo horseedday in deegaanno iyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed maanta ay xor yihiin, inta harsanna weli lagu sii raad-joogo.







Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog