GURIGA »
caalamka
» Midowga Yurub ayaa u qoondeeyay 20 milyan oo Yuuro si loogu taageero miisaaniyadda Soomaaliya
Midowga Yurub oo taageero dhaqaale ah siinaya DF Soomaaliya
Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay €89.5 Milyan oo Yuuro ah, oo €20 milyan oo
ka mid ah loogu talagalay in lagu taageero miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee
la meel mariyay.
Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah Marwo Jutta
Urpilainen ayaa tiri “Midowga Yurub wuxuu iskaashi adag la leeyahay Soomaaliya.
Maalgelintan waxaan ugu talagalnay in aan wax kaga qabano dowlad dhisidda
Soomaaliya, annagoo eegayna mudnaanta siyaasadeed iyo khataraha imaan kara.‘‘
Somaaliya oo ka mahad celisey
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Abshir
Cumar Jaamac ayaa ka mahadceliyay taageeradan Midowga Yurub, isagoo sheegay
inay tani xoojinayso iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya, iyo in la sii
horumariyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib-u-dhisidda dowladnimada.
Taageeradan uu ku dhawaaqay Midowga Yurub, ayaa ku soo beegantay, iyada oo
xalay golaha wasiirrada Soomaaliya ay meel mariyeen ku talo galka miisaaniyadda
dowladda ee 2024.
Miisaaniyadda dowladda ayaa gaartay hal bilyan oo dollar. Dowladdu waxay
sheegtay inuu jiro koror ku yimid dhinaca dakhliga gudaha.
0 Comments:
Post a Comment