GURIGA »
abaaraha
» Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo sheegay inay diyaar u yihiin gurmad gaarsiinta Gaza
Soomaaliya oo sheegay inay diyaar u yihiin gurmad gaarsiinta Gaza
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin
Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29
October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la
yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la
furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar.
“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka
Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday,
waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha
reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle
Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan
daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin
gumaadka khawaarijta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayso.
Cadowga Khawaarijta ee inta nagu gumaadayo iyo kan Yahuudda ee Gaza
gumaadayo waa isku mid”.
Dhimashada ilaa iyo hadda ayaa kor u dhaaftay 7700 Shahiid oo 3195 caruur
yihiin, iyadoo Israel loogu baaqay in xasuuqa ka socda halkaas joojiso balse
diiday, waxaana teegeero aan gabasho lahayn la garab istaagay dalalka reer
galbeedka.
0 Comments:
Post a Comment