GURIGA »
somalia
» Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo Kulan la khaatey Safiirka Imaaraadka ee soomaaliya u fadhiya
Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin
Cabdulle ayaa shalay magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Isu-tagga
Imaaraatka Carabta Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.
Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada
Mogadishu ayey Gudoomiyaha iyo Danjiraha kaga wada-hadleen doorka dowlada
Imaaraadka ee la tacaalida arimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta
Labada masuul ayaa sidoo kale waxay diirada saareen sidii loo xoojin lahaa
xiriika guud ee hay’addaha UAE ee ka shaqeeya Arrimaha Gargaarka, yareenta
musiibooyinka iyo gurmadka deg-dega.
Gudoomiyaha ayaa ugu horeyn dowlada iyo Shacabka imaaraad-ka kaga
mahadceliyay garab istaag shacabka Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in ay
sii wadaan dadaalkooda iyo garab istaagooda shacabka Soomaaliyeed.
Waxa uu ka dalbaday dowlada Imaaraadka in ay kala shaqeeyso sidii wax loogu
qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xoreeyay kooxaha khawaarij-ta iyo
taageerida Arrimaha Saadka si loo gaarsiiyo gargaarka.
Safiirka Imaaraadka Axmed Jumca Al-rumeysi ayaa dhankiisa ballan-qaaday in
ay la shaqeyn doonaan dowlada federaalka Soomaaliya, si dhawna u la
shaqeynayaan hay’adda Maareynta Masiibooiyinka Qaranka ee SODMA.
Dowladda federaalka ayaa wada dadaallo gargaar ballaaran lagu gaarsiinayo
deegaannadii laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, ayada oo dhawan ay SODMA u dirtay
shixnad hordhac ah.
0 Comments:
Post a Comment