Thursday, January 12, 2023

Mashaariicda Imaaraatka Carabta iyo Gacma-cadeedka ay ka wadaan Soomaaliya ayaa muujinaya isu soo dhawaanshaha weyn ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah

 

somalia iyo Imaaraatka

Wasiirka Gaashaandhigga  Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa iskaashi dhanka militeriga, amniga iyo la dagaallanka argagixisada ah la saxiixaxday dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiir Jaamac ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, wuxuuna ka tarjumayaa madaxbannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

Iskashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee taageero dowladdafederaalka, wuxuuna mashaariic kala duwan ka fuliyaa gudaha dalka.

Waxaan shaki ku jirin in dhammaan xaqiiqooyinkan meesha ka jira ay muujinayaan sida uu u kobcayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta iyo isu soo dhawaanshiyaha cajiibka ah, gaar ahaan mudooyinkan dambe, taas oo ah mida ay shacabka Soomaaliyeed ku tiirsan yihiin si loo gaaro iskaashi iyo taageero dheeraad ah oo wax ku kordhinaysa. in laga yareeyo dhibaatadooda iyo soo nooleynta dhaqaalahooda, maadaama ay tahay tilmaan wanaagsan oo ku dayasho mudan.

Bilowgii sanadka cusub, wararka ku saabsan heshiisyada iskaashiga amniga ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ugu sareysay mareegaha wararka ee labada dal ay khuseyso, iyadoo muhiimada weyn ee warku xambaarsan yahay iyo faahfaahinta uu ka turjumayo. taasi oo xaqiijinaysa in Soomaaliya ay xiriir la leedahay Imaaraadka gaar ahaan markii uu talada la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu ku dhaqaaqay siyaasad arrimo dibadeed oo u furan dalalka Caalamka, gaar ahaan kuwa Carabta.

Imaaraadka ayaa wada dadaallo lagu tayeynayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab sidhoo kale Imaaraatka waxaan uga mahad celineeynaa sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin mar walba oo ay u garab istaagaan dhibaatooyinka abaaraha

 



Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog