GURIGA »
Soomaaliya
» Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya, Ferdousa Othman iyo wafdigii la socday ayaa maanta oo Isniin ah
magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga kula kulmay Madaxa Sanduuqa
Horumarinta Sacuudiga, Sultan bin Abdulrahman Al-Murshid. Boqortooyada
Sacuudiga.
Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga ayaa
diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga labada dhinac, mashaariicda
horumarineed ee Sanduuqa ka fuliyo dalalka soo koraya, iyo saameynta ay
mashaariicdani ku leeyihiin kobaca iyo barwaaqada bulshooyinka.
Wasiirka ayaa sharaxaad ka bixiyay heerka ay gaarsiisan tahay diyaargarowga
Soomaaliya ay ugu jirto maalgashiga tooska ah, gaar ahaan horumarinta garoomada
diyaaradaha, wadooyinka iyo mashaariicda kale ee mudnaanta u leh dalka.
Waxaa xusid mudan in dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay
ahmiyad gaar ah siineyso taageeridda dhinacyada horumarinta, iyadoo Sanduuqa
Horumarinta Sacuudiga uu Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fidiyay deyn
horumarineed oo jilicsan tan iyo 1977-kii, si loogu maalgeliyo 4 mashruuc iyo
barnaamijyo horumarineed oo ku kacaya in ka badan $134. milyan, si loo taageero
dhinacyada waxbarashada, beeraha iyo warshadaha.
0 Comments:
Post a Comment