GURIGA »
Wararka
» Madaxweyne Xasan Sheikh oo khudbad ka jeedinayay shir madaxeedka Afrika iyo Carabta oo shalay ka furmay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga
Madaxweyne Xasan
Sheekh oo ka qeybgalay Madasha Iskaashiga Sacuudiga iyo Afrika
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo ka qeyb-galay Madasha Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika ayaa ka
warbixiyey xaaladda dalka, fursadaha iskaashiga iyo mowqifka Soomaaliya ee ku
aaddan garab-istaagga walaalaha Falastiin iyo joojinta duqeynta ka socota Qasa.
Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay
ula fal-galayaan gobolka iyo Qaaradda, iyadoo ay barbar socdaan dib u dhiska
dalka, xoreynta deegaannada iyo xoojinta hay’adaha dowladnimada, waxa uuna
tilmaamay in Soomaaliya ay haysato mustaqbal fiican.
Xasan oo aad uu amaaney doorka Sacuudiga
ku leeyahay dalka
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey garab-istaagga iyo
iskaashiga ka dhaxeeya Boqortooyada Sucuudiga iyo Soomaaliya, isagoo sheegay in
siyaasadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aasaas u tahay wada-tashi
iyo wax wada-qabsi, uuna rajeynayo in mira-dhalka shirkan uu noqdo kobcinta
xiriirka labada dhinac.
“Laga billaabo hadda, waxaan rumeysannahay in aan hormuud u noqon karno
caalamka dhanka beeraha, kheyraadka xoolaha, tan kheyraadka cagaaran,
isgaarsiinta, fududeynta ganacsiga, kheyraadka badda iyo hal abuurka
tignoolajiyadda.”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay u
fidiyeen Boqorka iyo Dhaxal-sugaha Sucuudigu ayaa kula dardaarmay Madaxda ka
soo qeyb-gashay madashan in ay la fil noqdaan caqabadaha iyo duruufaha ku
xeeran Qaaradda, miisaanna u yeelaan Iskaashiga Sucuudiga iyo Afrika.
0 Comments:
Post a Comment