GURIGA »
gudaha dalka
» Qaramada Midoobay oo sheegtay inay Doomo u dirtay magaalada Luuq si dadka loogasoo daad gureeyo
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka oo Doomaha nuuca dheereya u dirtay
degmooyinka ay daadadku ka dhaceen ee Gobolka Gado
Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka
jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee
Dowladd goboleedka Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay
daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas
ayaa maanta laba Doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .
Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab
ah oo xafadaha degmadaas ku go'doonsan kuwaas oo ay go'domiyeen Fatahaada
Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah.
Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah
kuwaas oo iskugu jira Raashin,Dhar iyo Daawo waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo
la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku
rogmadeen, waxaana xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doon nuuca
dheereya ah gaarsiisay degmada luuq.
Sidhoo kale Hay’adda isku xirka gagaarka Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa
shaacisay in lagu howlan yahay sidii loo daad gurayn lahaa illaa 2,400 oo qof
oo ku go'doonsan fatahaada ka dhacday degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Hay’adda OCHA oo ka jawaabaysay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya ayaa
sheegtay in doomo loo diray magaalada Luuq, si loogasoo daad gureeyo dadka
halkaas ku go’doosan.
Warbixin hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay, in 1.17 milyan oo qof ay ilaa
hadda saamayeen roobabka ka da’ay dalka. Sidoo kale waxay sheegtay in ay
334,800 oo qof ay ka barakaceen guryahoodii, halka ay jiraan 28 dhimasho ah oo
ay ku jiraan 8 caruur ah
Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in 2,400 qof ay ku go'doonsan
yihiin biyaha daadka.
Shalay, hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya ayaa shaacisay in ugu
yaraan 29 qof ayaa ku geeriyoodeen daadadkii ugu xumaa oo ka dhashay roobabkiika da'ay dalka.
0 Comments:
Post a Comment