Wednesday, November 8, 2023

Wasiirka Cadaaladda oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

 

Soomaaliya iyo ingriiska oo wada hadalo shaxmaray

Soomaaliya iyo ingriiska oo wada hadalo shaxmaray

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Michael Nithavrianakis.

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay taageerada dowladda Ingiriiska ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo doorka caddaaladda ee xasiloonida iyo sidii cadaalad loogu heli lahaa deegaannadii dhowaan la xoreeyey.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda iyo shacabka Britain taageerada hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog