shir jaraa’id oo ay qabtay Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac,oo uu
wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka iyo qaar kamid
ah Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay
dhibatooyin ka dhashay Roobabka ka da’ayo guud ahaan dalka iyo sameeynta ay ku
rebeen shacabka soomaaliyeed.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay
ilaa inta la ogyahay in dad gaarayo 31-qof ay ku dhinteen daadadka iyo
fatahaada ka dhashay roobabka ka da’ayo dalka,nus milyan dad kabadana ay ku
barakaceen,shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u istagaan sidii ay ugu
gurman lahayeen walaalahooda ay sameynta ku yeesheen fatahaadaha.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac “Dad kabadan Hal
milyan ayuu saameeyey Daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay, waxaana
dhimashada maraysaa 31 qof.”
Waxa uu sheegay wasiirka in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo is
garabsanayo ay u istageen sidii gurmad deg deg ah loola gaarsiin lahaa dadka ay
sameynta xooggan ku yeesheen roobabka ka da’ayo dalka
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan
Baledweyne
Guddoomiyahay Hay’adda Mareeynta Musiibootinka Qaranka Maxamuud Macalin
Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in la sameeyay Akoonno bulshada ay kaga qeb
qaadan karto sidii ay walaalahooda u sameynta ku yeelatay fatahaadaha iyo
daadaka ka dhashay roobka da’ayo
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim
Cabdulle “Umadda Soomaaliyed maanta waxa looga bahanyahay in la isku gurmado oo
la caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibatada ka soo gaartay El-Niño. ”
Sheekha Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah culimada soomaaliyeed ayaa isna
yiri ” Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeno maadama El-Niño ay gaysatay
Qasaaro badan,Masaajida,madaarista Culimada waa in aan ka gurmano.”
Arrintaan waxa ay imaneysaa xili saacadihii la soo dhaafay roobab wata
daadad iyo fatahaado ay ka da’ayaan gobolada dalka,waxana isasa soo tarayo
sameynta daadaka iyo fatahaadu ay ku yeelaneyso shacabka ku dhaqan gobolada
dalka haba ugu darnatee gobolka Gado iyo gobolka Baay,sidoo kale waxaa laga
cabsi qabaa in fatahaado uu sameeyo wabiga shabeelle degaannada uu ka maro
gobolada dalka.
0 Comments:
Post a Comment