Showing posts with label cimilada.. Show all posts
Showing posts with label cimilada.. Show all posts

Sunday, March 10, 2024

Ra iisulwasaare Xamsa oo xarigga ka jaray Xarunta ka hortagga isbeddelka cimillada

 

ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talagalay ka hortagga isbeddelka cimilada iyo xaalufka deegaanka

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee la xiriira sidii loo heli lahaa Soomaaliya cagaaran oo ka guuleysata saameynta ay isbeddelka cimilladu ku yeelatay deegaanka.

Mashruucan oo qeyb ka ah hirgelinta hal abuurkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Soomaaliya Cagaaran iyo beerista 10, milyan oo Geed, ayaa waxa hirgelinteeda iska kaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Shirkadda ka hortagga abaaraha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta ee Afrika (ADILP).




Share:

Sunday, February 25, 2024

Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Saxiixay Sharci ay soo Gudbisay Wasaaradda..

 

wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka, kaasoo ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Xasan Sheekh saxiixiisa sharcigan muhiimka u ah ilaalinta deegaanka.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka, kaasoo ay ansixiyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa in muddo ah ku howlaneyd sidii loo soo saari lahaa sharciga ilaalinta iyo maareynta deegaanka, sharcigan ayaa ah mid muhiim u ah ka hortagga iyo yareynta saameynta is bedelka cimilada ee dalka.

 

Share:

Saturday, February 24, 2024

Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka iyo Hirshabelle oo booqday biya xireenka Sabuun ee duleedka Jowhar.

 

Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Maareynta Musiiboyinka

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka  Md, Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay qayb ka ahaayeen

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdiraxmaan Daahir Guure, wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda Gargaarka , Guddoomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe  Axmed Mayre Makraan , iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen biya xireenka Sabuun ee duleedka Magalaada Jowhar.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeeray qayabaha kala duwan ee biya xireenka,  kaas oo ay ka muuqdaan sameyntii ka soo gaartay Fatahaadii El-Niño ee sanadkii hore.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn donaan dib u dayactirka kanaalkaan, anagoo ayuu yiri kaa shaneyna ShacabkaSoomaaliyeed iyo saaxibada caalamka .

si looga hor taggo daadad iyo fatahaado laga cabsi qabo in roobka gu’ga uu sameeyo waxaana loo bahanyahay in la habeeyo biya xireenada iyo goobaha kale ee biya mareenada ah, ayuu intaa ku daray Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka.

 

Share:

Wednesday, December 20, 2023

Safaaradda Shiinaha ayaa ku wareejisay 1 milyan oo doolar si loogu caawiyo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee Soomaaliya

 

Hay’adda SoDMA

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq lacageed ka guddoomay Safiirka Shiinaha

Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa maanta  ku wareejisay dowladda Soomaaliya lacag dhan hal milyan oo dollarka Mareykanka ah oo gargaar bani’aadanimo ah, si wax loogu qabto dadka ay waxyeelada kasoo gaartay fatahaadaha ka dhacay Geeska Afrika.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shangchao ayaa sheegay in gargaarkii ugu dambeeyay ee bini’aadantinimo ee ka yimid Beijing ay wax xoogaa nasasho ah u keeni doonto dhibanayaasha fatahaadaha ka dhashay roobabka El Nino.

“Markii daadadka ay ku dhufteen Soomaaliya, Shiinaha wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee sanadkan soo gaaro Soomaaliya, durba waa markii afaraad oo dowladda Shiinaha ay Soomaaliya soo gaarto xilliyada ay u baahan tahay, sida aan wada ognahay taariikhda fog. saaxiibtinimadayada," ayuu yiri Fei.

Maxamuud Macalin Cabdulle oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey Shiinaha sida ay ugu soo gurmadeen dadka ay saameeyeen fatahaaduhu. "Dowladda Shiinaha waxay si toos ah u taageertaa Soomaaliya, gargaarku waa mid la taaban karo oo dadka la gaarsiiyo."

Daadad ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dilay in ka badan 100 qof, halka 1.7 milyan ay ku barakaceen, sida lagu sheegay tirakoobka dowladda.


Share:

Monday, December 11, 2023

SODMA oo shaacisay inay dhaqaale la’aan soo food saartay oo uga sii dareysa…

 

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa markii ugu horeysay shaacisay in dhaqaale la’aan hayso, xilli dalka ay ka taagan tahay xaalad ka dhalatay roobabka iyo daadadka El-Niño.

Agaasimaha xarunta howl-gallada gurmadka deg-degga ee hay’adda SODMA oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hay’adda ay hayso raashin badan kuwa kalana u soo socdan balse aysan haysan dhaqaalo ay gobollada dalka ku gaarsiiyan.

Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay kordheen qasaraha ka dhashay roobabka iyo daadadka El-Niño.

“Waxaa inoo soo socda raashino badan, runtii beesha caalamka indhahooda waa nagu soo jeesteen oo gargaar badan ayay noo fidinayaan, laakiin waxaa meesha ka maqan dhaqaalihii ama miisaaniyadii lagu maareyn lahaa howlahaas oo dhan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Hay’adda SODMA kaligeed ma kaafiso, oo awoodeeda ma lahan, waxaan usoo jeedinayna in bulshada Soomaaliyeed ay garab istaagaan hay’adda maareynta musiibooyinka.”

SODMA ayaa ka dalbatay dowladda dhexe iyo xafiisyada madaxda sare ee dalka inay sii laba jibaaran garab istaagooda hay’adda, si gargaarka loo gaarsiiyo dadka sida aadka ah ugu baahan.

“Waxaan oo raashin ah dhamaan inoo imaadan waxay nooga filan yihiin siddeeda billood ee soo socota aan iskaga filnanaano raashin dadkaas gaarsiino, oo sida ugu dhaqsaha badan ula gaarno dadkaasi baahida deg-dega ah hayso.”

Ugu dambeyntiina waxa uu walaac ka muujiyay in cudurada faafa ka dilaacan deegaanada ay saameynta xooggan ku yeesheen roobabka iyo daadadka El-Niño, isaga oo uu xusay in ay ka shaqeynayaan sidii daawooyin loo gaarsiin lahaa, ayada oo la kaashanayo dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada caafimaadka.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, xilli ay si guud marba marka ka dambeysa sii kordheyso xaaladda adag ee ka dhalatay roobabka daadadka wata iyo fatahaadaha ku dhuftay gudaha dalka, ayada oo tirada dhimashada ay gaartay illaa 120 ruux.

 

Share:

Tuesday, December 5, 2023

Wasiirka Caafimadka oo magaalada Dubai uga qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay WHO

 

shir ay soo qabanqaabisay WHO

Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa maanta ka qaybgalay kulan gaar ah oo ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa xalka waara ee la xiriira isbadalka climilada.

kulanka ayaa looga hadlay xoojinta nidaamka Caafimaadka waxaana soo qabanqaabisay Hey’adda Caafimaadka Adduunka iyo Hey’adda Maraynta howlaha (UNOPS) waxa uuna qeyb ka ahaa kulan waynaha isbadalka cimilada (COP28) ee ka socda magalaadda Dubai.

Wasiira Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa qayb ka ahaa kulanka gaarka ahaa ee ay kasoo qayb galeen Wasiirada Caafimaadka ee wadamada kala ah Pakistan, Yemen iyo Masar sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee hey’adda UNOPS.

Kulanka ayuu Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ka jeediyey khudbad taariikhi ah taasoo taabanaysay sida loo abuuri lahaa habka isku xiran ee isbadalka cimilada iyo Caafimaadka ee xalka waara, waxa ayna Soomaaliya qayb ka tahay isbahaysi cusub oo arrimahaas xoogga saaraayo  loona yaqaano Alliance for Transformative Acton on Climate and Health ( ATACH).

Waxa uuna ku soo gunaanaday Wasiirka Caafimaadka sida ay Soomaaliya hadda u wajahaysa isbadalka cimilada oo bilow ka hore ay ka soo baxday abaaro, islamarkaana bilaabatay Fatahaada ( El NiNo),

Sidoo kale Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey guulaha ay Soomaaliya ka gaartay hirgelinta nidaamka cadceeda tamarta loogu helo ( Solar Energy Systems) kaasoo ilaa iyo hadda laga hirgeliyey qeybo ka mid ah Isbitaalada Gobolada iyo Degmooyinka ku yaalo dalka, iyadoo ay jiraaan qorshe dhamaystiran oo ku wajahan sidii loo dhamaystiri lahaa xarumaha Caafimaadka ee dalka oo dhan.

 

 

Share:

Saturday, December 2, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbedelka cimilada ee lagu qabtay dalka Imaaraadka

 

isbedalka cimilada oo dhibaatooyin badan u geestey dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh "Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysay arrinta isbeddelka Cimilada"

Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee isbadalka Cimilada (COP28) oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa kusoo bandhigay baaxada saameynta xoogan ay Soomaaliya ku yeelatay isbadalka Cimilada, isagoona xusay in daadadka ka dhashay roobabka Elnino iney ku dhinteen dad gaaray 120 ruux, islamarkaana ay ku barakaceen in ka badan hal Milyan oo ruux.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha in xaaladaani ay soo korortay, iyadoo dowladda fedaraalka ay dagaal xoogan kula jirtay kooxda Al-shabaab sidoo dalka uga ciribtiri lahaa.

isbedalka cimilada oo dhibaatooyin badan u geestey dalka

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay haatan wajheyso xaalado adag oo ka dhashay isbadalka Cimilada, islamarkaana dowladiisa ay ka go'an tahay marwalba la tacaalista caqabad kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbadelka Cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khudbadiisa ku dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada sii xumaaneysa ee dunida, isagoona ku dooday in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan, wuxuuna ugu baaqay dalalka warshadleyda ah iney gutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.

 

Share:

Wednesday, November 22, 2023

Jubbaland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaada wabiga Jubba

 

Jubbaland oo fatahaaddu saameysay

Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday iney sii korortay tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fataahada Wabiga Jubba uu ka sameeyay deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka maamulka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dadka ku dhintay daadadka iyo fataahada wabiga Jubba iney gaartay ilaa 20 ruux.

Wuxuu sidoo kale sheegay Agaasimaha iney ku barakaceen daadadka iyo fatahaada wabiga Jubba ka sameeyeen deegaanka maamulkaas dad ku dhaw nus milyan ruux.

"Daadadka iyo fatahaada waxay geysteen khasaare nafeed, mid maaliyadeed iyo barakac xoogan, dhimashada waxay gaartay Jubbaland 20 ruux, waxaa xaalad go’doon ah ku jira in ka badan 100 kun oo qoys, waxaa sidoo kale go’an waddooyin muhiim u ahaa nolosha dadka iyadoo ay adag tahay in meelaha qaar la gaaro, si gargaar loogu geeyo dadka dhibaateysan" ayuu yiri Agaasimaha Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane.

Jubbaland oo fatahaaddu saameysay

Agaasimaha ayaa tilmaamay in meelaha ugu daran haatan ay ka mid yihiin deegaanada gobolka Jubbada Dhexe iyo Gedo, isagoona sidoo kale xusay in biyuhu burburiyeen buundooyinkii Baardheere iyo Buurdhuubo oo muhiim u ahaa isku socodka.

Daadadka iyo fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa si weyn u saameyay nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku kala nool gobolada Jubbooyinka, Gedo, Hiiraan, Baay, Bakool iyo deegaano kale, waxaana xusid mudan in dadka ku dhintay ay kor u dhaafeen 50 ruux.

Share:

Tuesday, November 21, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo beesha caalamka ka codsaday in ay gargaar u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay daadadka ELNINO

 

hay’adda SoDMA oo baaq dag dag ah dirtey

hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa sheegay in doomihii ay u direen gobolka Gedo ay wax badan ka tareen badbaadinta shacabka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.

Guddoomiyaha oo ka mi ah wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisulwasaraha XFS oo booqasho ku tagay Degmada Doolow ayaa intaa raaciyay in dhibaatada ugu daran ay tahay isu socodka dadka iyo badeecadaha maaddaama ay biyaha kala xireen.

hay’adda SoDMA oo baaq dag dag ah dirtey

Guddoomiyaha ayaa sheegay in degmooyinka Luuq, Baardheere iyo Dooloow ay ahaayeen goobaha ugu daran gobolka Gedo ee ay xoogga saareen, wuxuuna intaa raaciyay in ay degmooyinka kale ee gobolka ay gaarsiin doonaa doomo.

Mudane, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ugu dambayn guud ahaan hay’adaha samafalka ka codsaday in gurmad deg-deg ah lala soo gaaro dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.

 

Share:

Tuesday, November 14, 2023

Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka oo Hay’adaha deeqaha bixiya lakulmey

 

Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka


Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adaha deeqaha bixiya

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo Ururka iskaashiga islaamka (OIC ).

Kulankaan oo deg-degdeg ahaa ayaa  ku saabsanaa Isku-dubbaridka Bani’aadamnimada ee kuwa ay saameeyeen El-Niño, waxaana lagu  soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka dagan deeganada ay fatahaada ka dhacday.

Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka

Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degdega ah  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay, intaa waxaa dheer oo kulankaan looga hadlay iskuduwidda iyo in hay’addaha ay ka qayb-qaataan Dib-u-dejinta dadka barakacay iyo nafaqeeyntooda iyada oo la saarayo ogaanshaha mudnaanta iyo baahiyahooda.

Hay’ aduhu waxay balan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan, qaybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degdega ah  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay

 

Share:

Sunday, November 12, 2023

Wasiir Daa’uud Aweys :Dad kabadan Hal milyan ayuu saameeyey Daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay, waxaana dhimashada maraysaa 31 qof

Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan Baledweyne


shir jaraa’id oo ay qabtay  Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS Daa’uud Aweys Jaamac,oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka iyo qaar kamid ah Culimada Soomaaliyeed oo shir jaraa’id qabtay ayaa faah-faahin ka bixiyay dhibatooyin ka dhashay Roobabka ka da’ayo guud ahaan dalka iyo sameeynta ay ku rebeen  shacabka soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay ilaa inta la ogyahay in dad gaarayo 31-qof ay ku dhinteen daadadka iyo fatahaada ka dhashay roobabka ka da’ayo dalka,nus milyan dad kabadana ay ku barakaceen,shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay u istagaan sidii ay ugu gurman lahayeen walaalahooda ay sameynta ku yeesheen fatahaadaha.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Daa’uud Aweys Jaamac “Dad kabadan Hal milyan ayuu saameeyey Daadadka iyo fatahaadaha dalka ka dhacay, waxaana dhimashada maraysaa 31 qof.”

Waxa uu sheegay wasiirka in dowladda iyo shacabka soomaaliyeed oo is garabsanayo ay u istageen sidii gurmad deg deg ah loola gaarsiin lahaa dadka ay sameynta xooggan ku yeesheen roobabka ka da’ayo dalka

 Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan Baledweyne

Guddoomiyahay Hay’adda Mareeynta Musiibootinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in la sameeyay Akoonno bulshada ay kaga qeb qaadan karto sidii ay walaalahooda u sameynta ku yeelatay fatahaadaha iyo daadaka ka dhashay roobka da’ayo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallim Cabdulle “Umadda Soomaaliyed maanta waxa looga bahanyahay in la isku gurmado oo la caawiyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibatada ka soo gaartay El-Niño. ”

Sheekha Bashiir Axmed Salaad oo kamid ah culimada soomaaliyeed ayaa isna yiri ” Waa in aan isku gurmano oo aan is kaalmeno maadama El-Niño ay gaysatay Qasaaro badan,Masaajida,madaarista Culimada waa in aan ka gurmano.”

Arrintaan waxa ay imaneysaa xili saacadihii la soo dhaafay roobab wata daadad iyo fatahaado ay ka da’ayaan gobolada dalka,waxana isasa soo tarayo sameynta daadaka iyo fatahaadu ay ku yeelaneyso shacabka ku dhaqan gobolada dalka haba ugu darnatee gobolka Gado iyo gobolka Baay,sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in fatahaado uu sameeyo wabiga shabeelle degaannada uu ka maro gobolada dalka.

 

Share:

Wednesday, November 1, 2023

Hay’adda SoDMA oo muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo ka jawaabidda khatarta El Niño

 

Cabsiweeyn oolaga qabo khatarta ElNiño.

Hay’adda Mareeynta masiibooyinka ayaa si dhow ula socda xaaladda El Niño.

Hay’adda Mareeynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa muqdisho ku qabatay shir looga hadalyo isku-duwidda hoowlaha ka jawaabidda khatarta El Niño.

Shirka oo ay iskugu yimaadeen inta badan dowlad gobolleedyada dalka, maamulka gobolka Banaadir iyo Hay’adaha dowladda federaalka ayuu hadafku ahaa isku duwidda howlaha ka jawaabista khatarta ElNiño.

Cabsiweeyn oolaga qabo khatarta ElNiño.

Shirkan ayaa waxaa daah-furay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Dr. Axmed Cabdi Adan, isagoo tilmaamay ahmiyadda ay leedahay wada shaqaynta iyo isku xirnaanta dowladda

labadeeda heer dhinaca ka jawaabista khatarta El Niño oo qaybo ka mid ah dalka ay ku dhufatay xilli roobaadkan gudahiisa iyo guud ahaan gargaar gaarisiinta bulshada tabaaleeysan.

 

Share:

Friday, September 22, 2023

Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño

 

Hay’adda SoDMA

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u diyaar garowga iyo ka jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.

Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA  ayaa waxaa looga hadlay qorshaha u diyaargaroowga, isuduwidda hawlaha gargaarka iyo sidii goor hore wax looga qaban lahaa khatarta ka imaan karta fatahaadaha duufaanta El Niño ay u geeysan karto deegaanno badan oo dalka ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay illaa 64 qof oo kala matalayay hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Gargaarka, Gurmadka Degdega, Safaaradaha dowladaha aynu walaalaha nahay, Deeq bixiyayaasha, Wasaaradaha Gargaarka Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

 

Share:

Wednesday, September 6, 2023

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kawada hadlay iskaashiga arrimaha deegaanka

 

isbeddelka cimilada.

Wasiirka deegaanka iyo is bedelka cimilada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Khadiija Muxamed Al-Makhzoumi, ayaa la kulantay Maryam Al-Muhayri oo ah wasiirka is bedelka cimilada iyo deegaanka ee dalka Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka ee dhanka deegaanka. oo wajahaya isbeddelka cimilada, iyo diyaargarowga Imaaraadku ugu jiro martigelinta shirka cimilada ee COP28 ee Dubai.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka qeyb galka Shir Madaxeedka Cimilada Afrika oo ay martigelineyso caasimadda Kenya ee Nairobi 4-ta ilaa 06-ka September, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SUNA.

Shir madaxeedkani waa fursad muhiim ah oo lagaga hadlayo shuruudaha iyo mudnaanta qaaradda Afrika ee faylka cimilada si loo mideeyo codka Afrika si loogu diyaargaroobo soo bandhigida arrimaha Afrika ee muhiimka ah inta lagu jiro shirka cimilada ee COP28 ee soo socda ee Dubai iyo soo saarista natiijooyin rajo leh oo qaaradda ah oo kor u qaadaya la qabsiga. dadaallada iyo ka hortagga saameynta isbeddelka cimilada.

Kenya ayaa martigelinaysa shirkii ugu horreeyay ee cimilada Afrika, kaas oo looga hadlayo u nuglaanshaha isbeddelka cimilada  qaaradda  Afrika iyo caalamka.

Shirkaan oo bilaawaday isniinti yaa waxaa ka qeyb gelaya madaxda Afrika, mas’uuliyiin ka socda hay’adaha caalamka iyo ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan arrimaha cimilada John Kerry, wuxuuna socon doona ilaa 6-da September.

Madaxda ayaa ka doodaya natiijada ka soo baxday ballan qaadyadii hore loo sameeyay, caqabadaha hortaagan wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo soo xoojinta dadaalada ay dalalku ku howlanyihiin si loo badbaadiyo qaaradda Afrika.

Shirkaan ayaa laga soo saari doona Baaqa Nairobi oo wax looga qabnaayo isbeddelka cimilada si loo kordhiyo cagaarinta iyo maal gelinta dalalaka Afrika kuwaas oo wajahaya qataraha isbeddelka cimilada.

Midowga Afrika iyo saaxibada caalamka ayaa iska kaashanaya  hirgelinta qorshahaan la rabo in looga hor tago saameynta isbeddelka cimilada, waxaana la abuuraya madal la isku dhaafsado argatiyada dalalka afrika iyo Beesha Caalamaka.

Kenya oo martigelinaysa shirka cimilada, ayaa ka mid ah wadamada Afrikaanka ah ee loo arko in ay horumar ka gaareen qorshaha looga hortegayo isbeddelka cimilada, waxaana weheliya Koonfur Afrika iyo Marooko.

 

Share:

Nagala soco RSS

Keydka Blog