Tuesday, November 14, 2023

Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka oo Hay’adaha deeqaha bixiya lakulmey

 

Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka


Guddiga Qaran ee Gurmadka fatahaadaha oo la kulmay mas’uuliyiin ka kala socday Hay’adaha deeqaha bixiya

Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha iyo daadadka El-Niño ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa ay kulan gaar ah kula qaateen Wakiilo iyo Masuuliyiin ka kala socday hay’addaha deeqaha bixiya ee wadamada islaamka iyo Ururka iskaashiga islaamka (OIC ).

Kulankaan oo deg-degdeg ahaa ayaa  ku saabsanaa Isku-dubbaridka Bani’aadamnimada ee kuwa ay saameeyeen El-Niño, waxaana lagu  soo bandhigay Xaalada Guud ee Saameeynta Fatahaadaha iyo Barakaca dadka dagan deeganada ay fatahaada ka dhacday.

Wasiirka warfaafinta, XFS Daa’uud Aweys iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka

Shirkaan ayaa looga hadlay hababka jawaab celinta deg -degdega ah  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay, intaa waxaa dheer oo kulankaan looga hadlay iskuduwidda iyo in hay’addaha ay ka qayb-qaataan Dib-u-dejinta dadka barakacay iyo nafaqeeyntooda iyada oo la saarayo ogaanshaha mudnaanta iyo baahiyahooda.

Hay’ aduhu waxay balan qaadeen inay si deg deg ah uga jawaabi doonaan, qaybna ka noqon doonaan jawaab celinta deg -degdega ah  iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay Fatahaada Saameysay

 

Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog