GURIGA »
cimilada.
» Kulan fogaan arag ah oo looga hadlay u diyaar garowga iyo ka jawaabidda khatar ka imaan karta El Niño
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa Maanta qabatay kulan
degdeg ah oo fogaan arag ah, oo looga arinsanayay u diyaar garowga iyo ka
jawaab-bixinta khatar ka imaan karta El Niño.
Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA ayaa waxaa looga
hadlay qorshaha u diyaargaroowga, isuduwidda hawlaha gargaarka iyo sidii goor
hore wax looga qaban lahaa khatarta ka imaan karta fatahaadaha duufaanta El
Niño ay u geeysan karto deegaanno badan oo dalka ah.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay illaa 64 qof oo kala matalayay
hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Gargaarka, Gurmadka Degdega, Safaaradaha
dowladaha aynu walaalaha nahay, Deeq bixiyayaasha, Wasaaradaha Gargaarka Maamul
Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.
0 Comments:
Post a Comment