GURIGA »
gurmadka
» Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA,oo lakulmey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,
Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) Mudane
Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlayay taageerada arrimaha
xasilnta, u-diyaar garowga Duufaanta El-Nino iyo xoojinta deeqaha iyo gargaarka
la yeeshay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Juma
Al-Rumaithi.
Dhinacyadu waxa ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in deg-deg looga
jawaabo baahiyaha bani'aadannimo ee ka jira goobaha laga xoreeyo khawaarijta,
in wadajir loogu diyaar-garoobo ka hor tagga iyo ka daba-tagga saameynta la
filayo ee Duufaanta El-Nino iyo in Dowladda Imaaraadka xoojiso dadaallada
deeq-bixinta iyo maalgalinta mashaariicda adkeysiga iyo soo kabashada.
Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA, wuxuu sidoo kale safiirka kala hadlay sidii ay
nooga gacan siin lahaayen fududeynta kulama doceedka hay'adaha dhigeenna ee
dunida marka la gaaro shirka COP28 oo dalkaas ka furmaya bisha November ee soo
aaddan.
Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa dhankiisa ballan-qaaday u howl-galidda
qodobbada laga wadahadlay wuxuuna xusay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta
ay gacanta ku heyso qorshayaal maalgalin oo wax ka taraya la qabsiga iyo u
adkeyga cilimida, isla-markaana mashaariicdaas la soo mari doono hay'adda
Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment