GURIGA »
abaaraha
» JFS oo raashiin gargaar ah u dirtay dadkii ka barakacay fatahaada magaalada Baledweyne
Iyadoo magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ka jirto xaalado
nololeed oo ka dhashay fataahada wabiga Shabeelle uu ka sameeyay xaafadaha oo
sababtay iney barakacaan kumanaan qoys ayay dowladda Fedaraalka u dirtay
shixnadii gargaar ah oo loogu talo galay dadka barakacay.
Guddoomiyaha Hay'adda Maareeynta Musoobooyinka Qaranka SODMA Maxamuud
Macallin Cabdulle iyo Wasirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan
Beenebeene ayaa Xalay Muqdisho ka sagootiyay ilaa 50 gawaari ah oo ay saaran
yihiin raashiin gargaar ah.
Guddoomiyaha hay'adda Maareeynta iyo Musiiboiyinka qaranka oo warbaahinta la
hadlay ayaa sheegay in dhbaatada ka jirta Baledweyne inuu indhahiisa kusoo
arkay baaxada ay leedahay, islamarkaana dadka halkaasi ku barakacay ay u baahan
yihiin garab istaaga shacabka Soomaaliyeed.
Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Imaaraadka
Carabta oo uu sheegay iney doorweyn ka geystay gargaar gaarsiinta dadka ka
barakacay fatahaada k dhufatay Baledweyne.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxman
Beenebeene ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadan
doonto sidii gargaar loogu sameyn lahaa dadka guryahoodii ay ka barakiciyeen
biyaha wabiga Shabeelle.
Si kastaba ha ahaate fatahaada ku dhufatay xaafadaha magaalada Baledweyne
todobaadkii lasoo dhaafay ayaa sababtay inay barakacaan kumanaan qoys oo haatan
ku dhibaateysan duleedka magaalada Baledweyne oo ay ku heysato hoyi la'aan iyo
Cunto la'aan.
0 Comments:
Post a Comment