GURIGA »
gurmadka
» Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa booqday keydka xarunta Hay’adda ee SoDMA.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud
Macalim Cabdulle ayaa maanta waxa uu kormeeray keydka ama Baqaarka xarunta
dhexe ee SoDMA oo ay ku jiraan qeybaha kala duwan ee Raashinka, Daawooyin iyo
Dhar taas oo loogu talagalay in dhawaan loo daabulo deeganadii khawaarijta laga
saaray iyo kuwa maalmaha soo socda laga xoreyn doono.
Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay in ka hay’add ahaan ay u diyaar garoobeen
sidii gargaar u gaarsiin la hayeen Magaaloyinka iyo deegaannada Gobolada dalka
ee dhawaan laga xoreyn doono khawaarijta arxanka daran ee Al-shabaab oo ay ugu
horeyo Magaalada Ceelbuur.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in marwalba ay ka go’antahay u gargaarida
bulshada Soomaaliyed waxaana u sheegay in malamaha soo socdana gargaar
mucaawino ah ay u daabuli donaan Magalaada Lascaanood, oo shacab badan oo
dagaalada halkaas ka socda saameen ka soo gaartay ay tubanyihiin banaanka
Magaaladaas,
Guddoomiye Maxamuud ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay
ka qeyb qataan gurmadka loo fidinayo walalaha Soomaaliyeed ee dhibatada muddada
badan ay ku hayeen argagixisada Al-shabaab.
0 Comments:
Post a Comment