GURIGA »
gudaha dalka
» RW Soomaaliya ayaa kala hadlaya safiir ku xigeenka Mareykanka sare u qaadista iskaashiga dhanka ciidamada iyo la dagaalanka argagixisada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane
Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka
Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen
xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka
looga xoreynayo Khawaarijta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada
dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka
horumarinta, amniga, la dagaallanka Khawaariijta iyo arrimaha
bani’aadamminimada.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay
Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo
guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka
Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.
Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya
dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshayaasha la xiriira
barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.
0 Comments:
Post a Comment