Saturday, May 27, 2023

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageerada Midowga Yurub ee miisaaniyadeeda

 

somaliya iyo Midowga Yurub

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageerada dhaqaale ee Midowga Yurub uu ku caawinayo dowladda federaalka, iyo in lagu taageero miisaaniyadeeda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamzah Cabdi Barre, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in taageerada Midowga Yurub ay ku soo beegantay xilli loo baahnaa, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalahan loo adeegsan doono qaab wax ku ool ah si loo gaaro yoolka la hiigsanayo.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in bixinta lacagahan ay sare u qaadi doonto dib u habeynta iyo mudnaanta siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay ogolaadeen lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro in lagu taageero miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tina Intelman ay sheegtay in Soomaaliya ay dhawaan gaari doonto marxalad taariikhi ah oo keeni doonta fursado cusub.

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya Soddon sano ka hor, Midowga Yurub waxa uu ahaa mid si weyn u taageera dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

 





Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog