GURIGA »
somalia
» Golaha Wadatashiga Qaran oo gaaray heshiis ay ku jiraan isbedel lagu sameeyo nidaamka dalka
Shirka 6-aad ee golaha wadatashiga qaran oo uu shir-guddoominayay
madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayn ka qeyb galeen, Ra’iisal wasaaraha
dalka,Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, madaxda maamul gobolleedyada
Jubbaland,Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo guddoomiyaha gobolka
Bamaadir oo Muqdisho ka qabsoomay 24-27-Maajo 2023, ayaa xalay warmurtiyeed
laga soo saaray.
Golaha watashiga Qaran ayaa kulankooda uga dooday ajendayaal muhiim ah oo
ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka Dalka, xaaladda amniga dalka gaar
ahaan diyaargarowga wejiga labaad ee ciribtirka Khawaarijta, dhammeystirka Deyn
cafinta, fulinta heshiisyadii hore goluhu u gaareen, fataahadaha iyo qodobo
kale.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalk Soomaaliya Axmed Macallin
Fiqi ayaa saxaafadda u aqriyay qodobada ka soo shirka oo xalay lagu soo
gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Goluhu wuxuu ka wada hadlay kuna wada heshiiyay qodobo badan oo muhiim u ah
Dowlad dhiska Soomaaliyo iyo hannaanka dimuqraadiyadda, waxaana qodobka ugu
weyn ee shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen ahaa in heshiis wadajir ah laga
gaaray maamulka doorashooyinka Dalka, sida doorashada golaha shacabka, nidaamka
madaxtinimada dalka, mideynta muddada Doorashada,Qoondada haweenka, Somaliland
iyo gobolka Banaadir.
Golaha wadatashiga Qaran ayaa ku heshiiyay in Dalka oo dhan ka dhacdo
doorasho Qof iyo Cod ah oo ay ku tartamayaan labo xisbi qaran oo kaliya.
Hannaanka Doorashooyink Dalka, wuxuu noqonayaa nidaamka matelaadda
isku-dheeli-tiran ee liiska xiran ( Proportional Representation Closed-List).
Si loo mideeyo hannaanka doorasho ee hoggaanka JFS, loona dardargeliyo
habsami u socodka Dowladnimadeennu, wuxuu goluhu isku raacay in dalka qaato
nidaam madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, waxaana hal warqad ku dooranaya
shacabka Jamhuuriyadda Federaalka,iyadoo lagu saleynayo nidaamka Xisbiyada
badan.
Waxaa kale oo goluhu ku heshiiyay in doorashooyinka heer federaal iyo heer
DXDF noqdaan qof iyo Cod oo shantii sano halmar ah.Doorashada golaha wakiilada
DXDF waxay dhici doonaan 30ka June 2024. halka doorashada madaxweynaha iyo
madaxweyne ku-xigeenka ay dhici doonto 30 November 2024.
Sidoo kale, goluhu ayaa ku heshiiyay in kuraasta lagu tartamayo lagu soo
doorto hal deegaan doorasho ( Single Constituency), sidoo kale, kuraasta
golaha shacabka ee loo tartamayo oo ah 275-xubnood oo matalaya dhammaan
shacabka Soomaaliyeed oo meel walba ay joogaan ayaa waxaa si toos, madax
bannaan oo qarsoodi ah u dooranaya shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya.
Xubnaha golaha deegaanka waxaa si toos ah u dooranaya Bulshada deegaanka ,
kuraasta golaha deegaanka waxaa ku tartamaya urur siyaasadeedyada, waxaana
Dalka yeelan doona labada urur siyaasadeed ee ugu cododka badan.
Si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo leh hal been caalami ah, waxay
Dowladda federaalka Soomaaliya xaqiijineysaa xaqa muwaadinka u leeyahay inuu
wax doorto Lana doorto.
Heshiiskan, shacabka Soomaaliyeed wuxuu u dhoweynaya xukunka ayaa muddo la
naawilayay, waxayna hadda shacabka Soomaaliyeed rejo buuxda ka qabaan in ay
doortaan hoggaankooda si ay ula xisaabtamaan.
Waxaa la dhisayaa guddiga madaxa- bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo
Soohdimaha oo ah hay’ad madax bannaan oo u xilsaaran maamulidda iyo qabashada
doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo Soohdimaha.
0 Comments:
Post a Comment