GURIGA »
» Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay odayaasha SSC
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay
Madax-dhaqameed ka soo jeeda Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Madax-dhaqameedka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee
colaadda Laascaanood, waxaanay ka wadahadleen sidii xal loogu heli lahaa
khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya ciidammada SCC iyo ciidamada
Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood ee lagu muransan yahay.
Madaxweyne Maxamuud ayaa mar kale sheegay mowqifka dowladda ee ku aadan
raadinta xal nabadeed, isagoo carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay ka
go’an tahay inay kaalin wax ku ool ah ka qaadato fududeynta wada xaajoodyada
iyo soo afjaridda dhiigga daadanaya ee socda.
Madax dhaqameedka ayaa si weyn ugu mahad celiyay dowladda federaalka
mowqifkeeda ku aadan masiirka Sool iyo Sanaag. Waxa ay aragtidooda ka
dhiibteen sida ay wax u socdaan, iyaga oo soo bandhigay caqabadaha ay dadka
deegaanka kala kulmeen colaadaha daba dheeraaday.
Weftigan oo ka kooban odayaal dhaqameedyo ay ka mid yihiin Garaad Jaamac Garaad
Ismaaciil, Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe,
Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, Suldaan Mustafe Maxamuud Awseed, ayaa maanta
oo Axad ah si ballaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan
Cadde ee magaalada Muqdisho. .
Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ujeedada koowaad ee socdaalkooda ay tahay sidii
ay uga wadahadli lahaayeen qoondaynta iyo qaybsiga deeqaha caalamiga ah ee
lasiiyo gobolka dhibaatadu ka jirto. Dowladda Federaalka ayaa lagu soo
waramayaa inay qorsheyneyso inay si toos ah saamigeeda kaalmada ugu wareejiso
guddiga SCC ee jooga gobolada SSC (Sool, Sanaag, iyo Cayn).
Maalmaha soo socda ayaa odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobolada SSC waxa ay
kulamo la yeelan doonaan madaxda dowladda federaalka ah iyo wakiilo ka socda
bulshada rayidka ah, iyagoo ujeedkoodu yahay sidii loo heli lahaa habab wax ku
ool ah oo wax looga qaban karo colaadaha iyo sidii loo heli lahaa xasilooni iyo
gurmad loo fidiyo bulshada ay dhibaatadu saameysey.
0 Comments:
Post a Comment