GURIGA »
gudaha dalka
» Madaxweyne Xasan" qofka dowladda ka tirsan mustawa kasta ha joogee ee hantida ummadda xada qaanuun ayaa dowladda uga degsan, yaan la soo daba kicin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay Qaraar kii Xukuumadda ee
la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida dadweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed ay toos
Warbaahinta ugala socon doonaan dacwadaha dadka lagu eedeeyo xatooyada xoolaha
Qaranka.
“Qaraarkii shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada waa mid ka turjumaya in
lacagaha shancuurta ah ee laga qaado dadka aysan ku dhicin gacan qaldan ama loo
adeegsado dano gaar ah, isla markaana ujeedkii loo qaaday oo ahayd in bulshada
loogu adeegayo lagu qabto, waana waxa aan raabno inaan ku taageerno
Xukuumadda”.ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynuhu waxa uu ka digay in la qaraabeysto ama laga soo dabo ordo qof
cunay hanti Qaran ama lagu tuhmayo, waxaana uuna intaa ku daray in shaqsigaas
la marsiin doono sharciyada dalka u degsan haddii wax lagu helo ama lagu waayo.
Madaxweynaha ayaa madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed u sheegay inay
Xukuumadda ku taageeraan qaraarkii ay shalay meelmarisay, si loo dhaqangeliyo,
maadaama Xukuumaddu ay ka go’antahay fulinta qaraarka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud ayaa yiri “Maxkamadaha iyo saxaafadda waxaan ku dhiirigelinayaa in
marka la qaadayo kiisaska la xiriira musuqmaasuqa in bulshada si toos ah loogu
baahiyo, si shacabku ay ula socdaan”.
0 Comments:
Post a Comment