GURIGA »
somalia
» Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkiisii labaad tan iyo markii xilka loo doortay ku tagay dalka Eritrea.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha
dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xerada ay tababarka
ku qaadanayaan Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh
Maxamuud oo safarkiisii hore ee bishii Luuliyo ee sanadkan uu ku tagay dalkaas,
dowladda Ereteriya uga codsaday in ciidanka tababarka u jooga qaar loo tababaro
qeybta ciidamada cirka ayaa Dowladda Ereteriya uga mahadceliyay kaalinteeda
dhismaha ciidanka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan
dufcada koowaad ee ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Cirka ayaa warbixinno
ka dhageystay qaar ka mid ah sarakiisha ciidanka, kuwaas oo la wadaagay
Madaxweynaha in ay diyaar u yihiin kaalintooda ku aaddan dagaalka argagixisada
looga xoreynayo dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamada tababarka ku jira uga warbixiyay xaaladda
dalka iyo guulaha dhammeystirka u baahan ee ay soo hooyeen ciidanka Xoogga
dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku ammaanay adkeysiga ay muujiyeen
inta uu tababarku u socday, isaga oo intaas raaciyay in shacabka Soomaaliyeed
ay ka sugayaan in ay ka dulqaadaan argagixisada qatarta ku ah nolosha iyo
horumarka.
0 Comments:
Post a Comment