Sunday, May 14, 2023

RW Xamse ayaa magacaabaya guddi loo xil saaray diiwaan gelinta iyo soo celinta hantida guud

Xamse oo magacaabay guddi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddiga tira-koobka, soo celinta, qiimeynta iyo ka talo-bixinta nidaaminta hantida qaranka.

Guddigan oo ka kooban 8 xubnood oo isugu jira wasiirro, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo garyaqaanka guud ee Dowladda, ayaa loo igmaday soo celinta hantida qaranka Soomaaliyeed ee sida sharci darrada loo haysto.

Guddigan waxay kaloo qaban doonaan, tiro koobka hantida hay’adaha madaxa bannaan ee dowladda iyo dowladaha hoose, qiimaynta xaaladda ay ku sugan yihiin hantidaas iyo sida ugu habboon ee looga faaidaysanayo hantidaas.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in hantida Dowladda ka maqan markii lasoo celiyo lagu fulindoono baahida loo qabo ee shaqada qaranka.

Magacaabidda guddigan waxay daba socotaa qaraar maalmo ka hor kasoo baxay golaha wasiiradda, kaasoo saldhiggiisu yahay, maaraynta maaliyadda, Maaraynta dakhliga, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Golaha wasiirrada ayaa ku tilmaamay  qaraarkani inuu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.



Share:

0 Comments:

Post a Comment

Nagala soco RSS

Keydka Blog