GURIGA »
gudaha dalka
» RW Xamse: Marnaba raali ka ahaan mayno doorasho horseeda burburka Puntland
Raysal wasaaraha xukuumada Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay
madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, inuu masuul ka yahay fashilka ku
yimaada barnaamijka dayn cafinta Soomaaliya.
Raysal wasaare Xamse oo ay tahay markii ugu horreysay oo uu arrimaha
Puntland si adag uga hadlo, waxa uu sheegay in aysan marnaba raali ka noqon
doonin in la fashiliyo geeddiga dheer ee loosoo galay daynta cafinta.
Xamse wuxuu sheegay fashilka kaste oo ku yimaada dayn cafinta inuu masuul ka
noqonayo madaxweynaha Puntland, isagoo ugu baaqay madaxweyne Deni in arrimaha
dayn cafinta uusan siyaasad soo dhex galin.
Dhinaca kale, raysal wasaare Xamse oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka
Puntland, ayaa caddeeyay in Dowladda federalka aysan marnaba raali ka ahaan
doonin doorasho horseeda burbur ku yimaada Puntland.
“Waxaa fiican inay dadku is doortaan oo doorasho xor ah la aado. Laakiin ka
warama haddii ay keenayso burburka Puntland. Waa in sidii lagusoo caano maalay
lagu socdaa, oo wax lawada oggol yahay lala yimaadaa, haddii kale maya,” ayuu
yiri raysal wasaare Xamse.
Xamse wuxuu sheegay in aysan gorgortan ka galidoonin in dagaal laga rido
Puntland oo nabad galyadeeda iyo jiritaankeeda lagu xadgududbo. Wuxuuna ku
baaqay in odayaasha dhaqanka talada dib loogu celiyo.
0 Comments:
Post a Comment