GURIGA »
gudaha dalka
» DF oo shaacisay tirada ciidamo la keenayo dalka iyo dowladda bixinaysa kharashka
La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa
shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari,
kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal, oo qaar kamid ah yihiin waddamada
deriska.
Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen
dalalka Ethiopia, Eritrea, Uganda iyo Masar, waxaana qarashaadka ku baxaya
bixineysa dowladda Imaaraadka Carabta.
La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa
waxa uu sheegay in dhawaan ciidankan tababarka soo dhameystay lagu soo celinayo
magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababarkooda, saanadooda iyo
mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta, oo ayadu kal hore
heshiis dhanka militariga la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.
“Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka
ku baxaya ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta,” ayuu yiri La-taliyaha
Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali.
La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan
Mushaarkooda bixineyso, si kumeel-gaar ah illaa inta ay dowladda federaalka
Soomaaliya ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay ka
wado dalka.
“Waxaa lagu soo tababaray dalal kala duwan, qoladii u horeysay ee Uganda
lagu soo tababaray ee Muqdisho la keenay qoladii ay ku diirsatay caasimadda
ayay noqotay. Faa’iidadeedii waa arkeen dadka Soomaaliyeed, inay qeyb ka
noqdeen soonkii ugu horreeyay.”
Si kastaba, Ciidankan ayaa qeyb ka ah qorshaha ay dowladda federaalka ku
rabto inay kula wareegto amniga guud ee dalka, iyada oo ciidanka ATMIS ay
qorshuhu yahay inay ka baxaan dalkeenna daba-yaaqada sanadka 2024-ka.
0 Comments:
Post a Comment